Garoonka diyaarahadaha Aadan Cadde waxaa hadda laga daabulayaa qaar kamid ah dadkii dhaawacyada halista ahaa kasoo gaaray qaraxii maalin kahor ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Diyaarad weyn oo laga leeyahay Turkiga uuna soo diray madaxweynaha dalkaasi ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde, iyadoo halkaasi sidoo kale ay joogaan mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka iyo dowladda Turkiga.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ku xigeenkiisa, xubno kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya iyo wasiirka caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan ayaa ku sugan garoonka Muqdisho.





From the comments