JustinRosenstein oo ahaa engineer-kii soo hindisay baton-ka “awesome”sanadkii 2007, ayaa hadda waxa uu ka cabsi qabaa saameynta taban ee dhanka nafta ay ku yeelanayaan Apps-ka kala duwan ee laga adeegsado daafaha dunida.
Sida jariidada The Guardian ay qortay, Justin oo hadda ah 34 jir, waxaanuu aad uga walwalsan yahay baraha bulshada iyo saameyntooda taban(aan wanaagsaneyn) ee niyadda aadanaha, waxa uu diiday oo uu naftiisa ka mamnuucay inuu adeegsado Reddit iyo Snapchat waxaanuu aad iskaga xadiday oo wakhti kooban uu siiyay adeegsiga barta Facebook.
Rosenstein waxa uu ku tilmaamay baronka “Like” ee gaarka u ah Facebook inuu yahay “Cododka ay dadku ka helaan raalli ahaanshiyo dhalanteed ah, waxaa jira barnaamijyo kala duwan oo dadku u sameeyeen arrimo niyad wanaag ah, laakiin markii dambe noqday kuwo lagu hungoobo.”, isagoo markaa tilmaamay in Like naftarkeedu aaney cirib wanaagsan yeelan doonin marka waxyaabo badan oo aad isla lahayd waa laga helayaa dadku ay la falgeli waayaan.




From the comments