Shirkadda Yahoo ayaa daaha ka rogta sir ay muddo dheer qarineysay oo ku saaabsan e-maillo laga jabsaday barta oo lagala baxay wixii macluumaad muhiim ah ee ku jiray.
Shirkadda ayaa maalinimadii shalay ee Talaadada shaacisay in 3 billion oo ka mid ah xisaabadka E-mailka ah ee macaamiisheeda la jabsaday oo tuugada computerada jabsataa ah heshay macaluumaadkooda sanadkii 2013, arrintan ayaa ka badan tiradii ay horey shirkaddu u shaacisay.
Tiradan ayaa ka dhigan in qof kasta oo barta Yahoo uu e-mail ku lahaa laga jabsaday, wixii macluumaad ah ee muhiim ah oo ku jirayna lagala baxay, sida cinwaanno guryo, number taleefoon, taariikhda dhalashada, August, 2013.




From the comments