Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qaadi doonto mas’uuliyadda wax walbo oo ka dhaca degmada Cadaado.
Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, wuxuuna u mahadceliyey xildhibaannada Labada aqal ee Cadaado gaaray, kuwaasi oo uu sheegay in ay xaliyeen xaalad amni oo ka jirtay degmadaasi.
Waxa uu xildhibaan Geelle sheegay in ay jiraan shaqsiyaad hurinaya khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee maamulka Galmudug, wuxuuna tilmaamay in khilaafkaasi ay hurisay dowladda Federaalka, wixii dhacana iyada ay qaadi doonto mas’uuliyaddeeda.




From the comments