Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khare ayaa xarigga ka jaray Saldhigga Millateri ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu tababari doono Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxana Munaasabadda Furitaanka ka qeyb galay Taliyaha guud ee Ciidanka Turkiga, masuuliyiin ka tirsan dawladda, Safiirada Beesha Caalamka iyo saraakiil sare oo ka socotay labada dal.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, ayaa sheegay ka sakow dhismaha xaruntan casriga in marka la tababaro askarta ay dawladdu Turkigu u raacin doonto qalabeyn, taasoo uu uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga.
Taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay inay garab siiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo yeelato Soomaaliya.





From the comments