Waxaa shaki la’aan ah inaad maqashay talooyin badan oo lagaaga digayo in caanaha iyo kalluunka aad kala ilaaliso, iyo marka aad kalluun cunto ugu yaraan 12-saacadood inaad iska ilaali caanaha, haddii kalena aad la kulmi doonto dhibaato caafimaad oo ugu horreeyo cudurka Vitiligo ee haragga jirka bedela.
Hadaba, maxaa ka jira arrimahaa ay dadku ku sheekaystaan ee caanaha iyo kalluunka iska khuseeya.
In badan oo ka mid ah khubarada caafimaadku waxay leeyihiin ma jirto wax cilmibaaris ah oo loohayo oo sheegashada dhibaatooyinka caafimaad ee caanaha iyo kalluunka oo wada socda, sidaas oo kale lama hayo qof inta uu caano iyo kalluun isku cunay ku dhintay ama u geeriyooday arrintaa darteed.




From the comments