Dadka qaar waxay aad ugu dhibaatoodaan tobonaanka qof ee saaxiibadaada ah ee soo dhigaya waxyaabo aadaney jeclaysan, hadaba ogow xalka arrintaasi dhawaan ayuu ku soo gaarayaa iyadoo aad adeegsan doonto adeeg cusub oo Facebook uu ku soo kordhiyay bartiisa.
Sida uu sheegayo wargeyska caanka ah ee dhanka teknoolojadiyadda ‘TechCrunch‘, Facebook ayaa soo kordhiyay ‘Snooze‘ oo si ku meelgaar ah aad iskaga xayireyso waxyaabaha uu qofka saaxiibka aad tihiin uu soo dhigo ee aadan dooneyn inaad aragto, adigoo iska xayiri kara mudd 24 saac ah, isbuuc iyo bil kolba inta aad rabto.
Snooze ayaa ah xal dhexdhexaad ah oo uu leeyahay unfollow oo dhamaan wixii uu qofka soo daabaco kaa joojinayay iyo unfriend oo saaxiibtinmadii aad kala noqoneyso qofka si dhameystiran.




From the comments