Shirkadda Facebook ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Ruushka ay maal-galisey olole lagu baahinayey fariimo siyaasadeed kuwaas oo ka dhacay baraha bulshada ay ku xiriirto, waxayna sheegtay in fariimahaan lagu kala fogeynayey bulshada.
Facebook ayaa sheegtay in boqol kun oo doolarka Mareykanka ah uu ku bixiyey Ruushka ku dhawaad 3000 oo xayeysiin kuwaas oo socday labo sano oo ku eg ilaa bishii May ee 2017da.
Fariimahaani lagu baahiyey baraha bulshada kuwaas oo uu maalgaliyey ruushka loogana soo horjeeday doorashadii Mareykanka cidna sigaar ah looguma taageereynin, balse waxaa loogaga hadlayey mowduucyada ku saabsan Soogalootiga,Jinsiga iyo sinaanta xuquuqda.




From the comments