Shirkani oo aay soo qabanqaabisay wasaradda Xanaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaliya ayaa ahaa mid lagu daahfurayay Ololaha Talaalka Xoolaha ee cudurada jadeecada iyo furuqa oo intabada xoolaha ku dhaca Qaabka loo gaarsiinkaro dhanka miiga ee gobolada dalka Soomaliya.
Qaar kamid ah wasiirada Xanaanada Xoolaha maamul goboleedyada dalka dhaqaatiir ajaanib ah iyo dhaqaatiirta xirfadleyda ayaa ka soo qeyb galay, iyadoona shirka daahfurka ololaha talaalka lagu qeexay in dalkeena u yahay mid ku tiirsan xoolaha, loona bahan yahay in ahmiyad gaar ah lasiiyo caafimaad qabka xoolaha.
Ibraahim Cabdi Xasan wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan aay soo dhaweynayaan ka warqabka caafimaadka xoolaha, waxaana uu u mahad celiyay dhaqaatiirta isku hoowshay.




From the comments