Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Culumada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka culumada ee dib u dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii ku ammaanay culumada Soomaaliyeed doorkoodii u gurmadka abaaraha oo suurtogeliyey in Soomaalidu isku tashato oo suurtogeliyey in Soomaalidu ay soo ururiyaan lacago fara badan oo suurtogeliyey in dadka ay abaarahu heshay loogu gurmaday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in culumada looga baahanyahay inay xoojiyaan doorkooda dib u dhiska dalka, waxuuna yiri “Culumada door weyn bey ku leedahay hoggaminta Bulshada dhan walba, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad xoojisaan oo bulshada aad ka wacyigelisaan sidii dib u dhiska dalka looga wada qeybqaadan lahaa, sida soo celinta amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo in bulshada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo xoojiya midnimadooda, wax-wadaqabsigooda iyo illaalinta sharafta iyo karaamada qofka Soomaaliga ah.”





From the comments