In badan oo inaga mid ah marka mobilkooda Smart ka ah ay waayaan amaba uu ka lumo waxay dareemaan cidlo iyo walwal dheeri ah, iyadoo dadka qaar uu ka gaaro xaalad fobiya ah oo ay markasta ilaalin xoogga ay ku hayaan mobilladooda oo daqiiqadna aaney ka marmin.
Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in fobiyada mobil waayiddu ay dunida kusii kordhayso, waxaana la ogaaday in xaaladaasi ay xiriir la leedahay qabatin iyo xiriirkii qofka ee baraha bulshada oo ka dhigaya inuu qofku qabatimo oo aanuu daqiiqadna ka maarmin taleefoonkiisa gacanta ee Smart-ga ah.
Khubaro ka tirsan labada jaamacadood ee Song Kyun Kwan iyo City University ee Hong Kong, ayaa sheegay in Qabatinka teleefoonka oo loo yaqaanno “nymphophobia” uu ku sii badanayo dunida xilli qofka aanuu marnaba agtiisa inuu ka waayo mobilkiisa gancanta ee smartiga ah aanuu ogoleyn, dadka qaar waxay ka gaartaa illaa marka ay masqusha galayaan inaaney ka maarmin.




From the comments