Shirkadda Facebook ayaa tallaabo aad u ballaaran u qaadday dhinaca suuqa muuqaallada, waxay shirkaddu suuqa soo gelisay barnaamij cusub oo la magac baxay “Watch” oo laga daawan doono ciyaaraha kubadda koleyga dumarka, safarada daahrogga ah ee janalka National Geography iyo barnaamijyadah barbaarinta ubadka.
Mark Zuckerberg oo ah milkiilaha iyo madaxa fulinta Facebook ayaa baggiisa kusoo qoray, in barnaamijkan cusub ee loo bixiyay “Watch” uu dadka adeegsada u ogolaanayo iney kula sheekaystaan saaxiibadood dhacdooyinka tooska ahna ay la wadaagaan, iyadoo hadhow si ku celis ah loo daawan karo.
Daniel Denker oo ah maareeyaha waxsoosaarka shirkadda ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii shalay 9, August. 2017 ku sheegay “Waxaan ogaannay iney dadku jecelyihiin muuqaallada dhinaca wararka ah, laakiin ay doonayaan meelo gaar u ah oo ay ka heli karaan xilliyada ay u baahdaan”, waxa uu sheegay in barnaamijkan cusubi uu albaabada u furi doono dadka muuqbaahinta ku shaqeeya si waxyaabaha ay duubaan ay u helaan meelo ay ku faafiyaan.




From the comments