Culumada caafimaadku waxay inbadan ka digeen dhibaatooyinka xooggan ee ka dhasha isticalaamka tirada badan ee sokorta oo laga qaado buurni iyo cudurro kale oo sokorow-gu ka mid yahay , laakiin arrintu intaa kuma eka sokortu waxy keentaa xanuunada maskaxda qaarkood oo Depression-ku ka mid yahay.
Cilmibaaris ay sameeyeen culumo ka tirsan jaamcadda London ayaa lagu sheegay in dadka isticmaala sokor tiro badan ay khatar ugu jiraan xanuunada maskaxda ku dhaca ee niyad jabka ama Depression ugu horreeyo.
Daraasaddan ayaa lagu sameeyay 8 kun oo qof oo qaangaar ah, da’doodun ay ka weyn tahay 22 sano, waa sida lagu soo daabacay wargeyska Carter Media.




From the comments