Dowladda Shiinaha ayaa ka mamnuucday dalkeeda adeegsiga Facebook-ga iyo WhatsApka, arrintaani ayaa waxaa ka cabanaya macaamiisha isticmaala shirkadahan, kuwaasi oo sheegay in aysan awoodin in baraha bulshada ay kula xiriiraan saaxibadooda si toos ah.
Macaamiisha shirkadaha Facebook iyo WhatsApp ayaa sidoo kale waxa ay ka sheeganayaan in aysan awood u laheyn in fariimo, muqaallo iyo sawirro ay isku diraan iyaga oo isticmaalayo baraha bulshada.
Wargeyska Telegraph oo ka soo baxa dalka Uk ayaa sheegay in shirkadda WhatsApp laga mamnuucay qeyb ka mida dalka Shiinaha, isaga oo tilmaamay in arrintaan ay gogol xaar u tahay maalmaha soo socda in guud ahaan shirkaddaan laga mamnuuci doono dalkaasi.




From the comments