Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay go’aankii baarlamaanka maamulkaasi ay kalsoonida ugala noqdeen golaha wasiirada ee maamulkaasi.
C/weli Gaas ayaa sheegay in baarlamaanka go’aankii maanta ay qaateen uu ahaa qodob Dastuuri ah, islamarkaana isagana uu aqbalay, sida Dastuurka Puntland uu qabana u mari doono soo magacaabista wasiirada cusub.
“Waxay I faraysaa midan madaxweyne ahaan inaan golaha xukuumadda kusoo dhiso mudada uu ii ogolyahay Dastuurka aniga oo la tashanaya madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland” ayuu yiri Gaas.




From the comments