Ciidamada ammaanka ee Koonfurta Sudan ayaa gacanta ku dhigey muwaadin Soomaaliyeed oo tahriibin jirey Soomaalida kale, kaasi oo ugu dambeyn laga soo dejiye garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Safiirka Soomaaliya ee South Sudan Xuseen Xaaji ayaa u sheegay Goobjoog News, in nin kaan muddo badan ay ku daba jireen Interpol, Booliiska Koonfurta Suudaan iyo sidoo kale Booliiska Soomaaliyeed, ugu dambeynna lagu guuleystay in la qabto, lana keeno magaalada Muqdisho.
Ninka dadka tahriibin jirey ee lasoo qabtay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle, waxaana sidoo kale safiirka uu sheegay in Koonfurta Suudaan lagu hayo Saddex kale oo isaga la shaqeyn jirtay, dhowaanna la keeni doono magaalada Muqdisho.




From the comments