Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa waxa uu sheegay in Interneet la’aanta ay saameyn weyn ku yeelatay dalka.
Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay dadaal ugu jiraan sidii uu dib ugu soo noqon lahaa Internetka oo maalmo ka maqan dalka arrintaasi oo saameyn weyn ku yeelatay muwaadiniinta.
“Internetka waxa uu ka maqan yahay dalka waana cillad guud oo soo wajahday, waan la soconnaaa shirkadaha ku howlan Internet-ka xiriir ayaa lasameynaa si aan u ogaanno hadba xaaladda meesha ay mareyso”.




From the comments