Faadumo Maadoow Mahad Alle waa guddoomiyaha qaxootiga kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, iyada oo ka hadleysay qaxootiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Kenya kasoo laabtay ayey sheegtay in dhibaato faro badan ay kala kulmeen magaalada Mugadisho.
Faaduma waxa ay sheegtay in dhibaatooyinka ay qabaan ay ka mid tahay in aysan helin hoy wanaagsan daryeel caafimaad sidoo kalana ay san helin u badkooda waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee nolosha aas-aasiga u ah.
Faaduma waxay hoosta ka xariiqday in qaramada midoobay gaar ahaan hay’adda u qaabilsan qaxootiaga ee UNCHR ay uga baxday ballan ay la galeen, ballankaas oo ahaa in Soomaaliya marka ay tagaan ay wax badan ka faa’idi doonaan.




From the comments