Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgubyada ka dhaca goobaha colaadaha ayaa barnaamijka ayaa xiriiryaha arrimaha jinsiga ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadweynaha UNFPA Maxamed Mursal ,wuxuu sheegay inay wadaan dadaalo ay wax kaga qabanayaan xadgudubyada jinsiga ee ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.
Maxamed Mursal ayaa xusay in Hay’adda UNFPA ay dhawaan ka hirgelin doonto shaybaar cusub oo ka waacin kara ciidamada booliska inay baaraan xadgudyada ka dhanka ah haweenka Somaaliyeed.
“Waxaan ka hirgelin doonaa Soomaaliya shaybaar (forensic lab) ku cusub Soomaaliya iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, kaasi oo booliska ka caawin kara in ay cadeeyaan in eedaysanuhu uu yahay mid gaystay eedaha loo haysto” ayuu yiri Maxamed Mursal isagoo u waramayay barnaamijka Tubta nabadda ee Todobaadlaha ah.




From the comments