Afar iyo toban (14) bukaan oo qaba dhaawacyo kala duwan kuna waxyeelloobay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa maanta laga ambaba bixiyay magaalada Muqadisho waxaana lagu wadaa in la geeyo dalka Sacuudiga si xaaladdooda caafimaad wax looga qabto .
Guddi uu u magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in tiro koob iyo qiimeyn ay ku sameeyaan dhaawacyada kala duwan ee ku jira Isbitaallada ayaa soo xulay Afar iyo Tobankaan qof, kuwaas oo laga kala keenay Saddex Isbitaal oo ku yaalla magaalada Muqadisho.
Dr Maxamed Yuusuf, agaasimaha Isbitaalka Madiina xubinna ka ah guddiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u magacaabay in ay qiimeyn ku sameeyaan sida ay u kala liitaan xaaladda caafimaad ee dadka ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho ayaa sharaxay tirada la qaadayo iyo qaababka lagu xushay.




From the comments