Kulan ay yeesheen maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka Gallinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa waxay eedeyn u jeediyeen madaxda guddiga gurmadka abaaraha ee Galmudug waxayna sheegeen in qeybtii uu deegaanka kulahaa lacagaha abaaraha la musuqay islamarkaana tan iyo markii uu bilowday gargaarka aan waxba la gaarsiinin bulshada ku dhaqan deegaanka Galinsoor.
Guddoomiyaha Galinsoor Xirsi Muuse Maxamed, oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in aysan helin lacagaha gurmadka abaaraha ee la siiyo degaannada kale ee Galmudug isagoo arrintaasi ku eedeeyay musuqmaasuq.
“Waxaan halkaani ka caddeynayaa anigoo ah gudoomiyaha degmada Gallinsoor in lacagtii abaaraha ee loogu talo galay maamul goboleedka Galmudug qeybtii ay kula heyd degmada Gallinsoor in aysan soo gaarin”




From the comments