Cabdulle Isaaq, taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ahaana sarkaalkii hoggaaminayey dagaal Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa isku dhiibay ciidanka amniga ee magaaladaasi.
Warar ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in abaare Salaadii Cishaha ee xalay uu sarkaalkan tagey saldhigga Booliiska Baydhabo, maadaama loo haystay bilowga dagaalkaasi iyo sidoo kale sababta shacabkii dhintey.
Cabdulle ayaa Labo cisho ku dhuumaaleysanayey isaga iyo ciidan uu hoggaaminayey duleedka magaalada Baydhabo, hase ahaatee wadahadal kadib waxaa lagu qanciyey in sharciga uu isku dhiibo.




From the comments