Dowladda Qatar ayaa shaacisay go’aankeeda ku aadan muwaadiniinta u dhashay dalalka Xiriirka u jaray ee ku sugan dalkeeda, iyada oo sheegtay in aysan ceyrin doonin muwaadiniinta ka soo jeeda dowladahaasi, sidaa waxaa daabacday wakaaladda wararka ee Qatar.
Dowladda Qatar ayaa waxay hoosta ka xariiqday in aysan qaadi doonin wax tilaabo ah oo ka dhan ah muwaadiniinta ku sugan Qatar kuwaas oo is kugu jira shaqaale iyo dad caadi ahaba.
Hadalkaani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dowladaha xiriirka u jaray dowladda Qatar ay u qabteen muwaadiniinta u dhalatay dowladda Qatar in muddo labo isbuuc ah uga baxaan dalalkooda.




From the comments