Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani ayaa u sheegay in Turkiga uu garab taaganyahay Qatar.
Wadahadalka labada mas’uul ayaa ku soo beegantay xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhextaagan dowladda Qatar iyo qaar ka mida dowladaha carabta.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa hogaamiyaasha dowladaha Khaliijka u soo bandhigay inuu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xal nabadeed oo lagu dhex dhexaadinayo xiisadda ka taagan qaar ka mida dowladaha Khliijka.




From the comments