Xilli indhaha caalamku ay ku jeedaan taleefoonka iPhone 8 ee casriga ah oo qorsheysan in shirkadda Apple ay dhawaan suuqyada ku soo deyso, ayaa waxaa daaha laga rogay mobile-ka adduunka ugu qaalisan oo lacagihiisu ay kor u dhaafayaan Boqolaal kun oo dollar.
Mobile kan cusub tiknoloojiyad kaliya maaha ee waxaa lagu hardhay macdan qaali ah taas oo sicirkiisa ka dhigtay inuu gaaro 360 kun oo dollar.
Cobra waxaa soo saartay shirkadda “Vertu” ee mobillada oo kaashaneysa shirkad Fransiis ah oo design ku sameysay Jowharadaha ah iyo macdanta qaaliga ah ee mobilka lagu qurxiyay, mobilkan ayaa qofka iibsanayaa waxa uu bixinayaa lacag carbuun dheeraad ah oo gaareysa illaa $145.




From the comments