Goobjoog

Maqal: Faah Faahin Laga Bixiyey Sarkaal Al-shabaab Ah Oo Isku Dhiibay Dowladda

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan, Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa Goobjoog News, wuxuu faah faahin dheeraad ah ka siiyey sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iskuna dhiibay…

Maqal: Faah Faahin Laga Bixiyey Sarkaal Al-shabaab Ah Oo Isku Dhiibay Dowladda

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan, Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa Goobjoog News, wuxuu faah faahin dheeraad ah ka siiyey sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iskuna dhiibay dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xeer Ilaaliyaha in sarkaalkan lagu magacaabo Abshir Muumin, Al-shabaabna u qaabilsanaa ciidamada howtka ka dagaallama, isaga oo hoggaamin jiray boqolaal askari waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ma aanu sheegin xeer ilaaliyaha in sarkaalkan ay la socdeen askar Al-shabaab ah iyo in kale markii uu is soo dhiibayey.

“Ninkaan wuxuu ahaa amiir sare oo Al-shabaab howl muhiim ah u hayey, xiriir ayuu nala soo sameeyay, wuu is soo dhiibay annagane waan soo dhoweynay si sharaf leh walibana, wuxuuna watey qori Ak-47 iyo sidoo kale Booshash” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal sarkaalkaan la sheegay in dhankooda uu kasoo baxsaday.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments