Waxaa kor dhay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Suudaan, iyadoo dowladda Suudaan ay gabi ahaan joojisay badeecadihii ay ka keensan jirtay Masar.
Ilaa iyo hadda go’aanka ay ku mamnuucday Suudaan ganacsiga kala dhaxeeyay Masar ma aysan caddeynin, balse Suudaan ayaa muwaadiniinteeda waxay ku wargelisay inay badeecadaha ay kala soo degaan wadamada kale oo aysan Masar waxbo kala soo dagin.
Go’aankaani ayaa waxa uu saameynayaa shirkadaha ganacsi ee Masar kuwaas oo Suudaan u soo dhoofin jiray badeecooyin kala duwan.




From the comments