Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay waddada Sodonka ee magaalada Muqdisho.
Waddada (30)Sodonka ee Muqdisho waxaa dhererkeeda lagu sheegay 5.5 KM, balse waxaa laga dhisi doonaa labada dhinac ee jidka, waxaa uu noqon doonaa ilaa 11 KM, waxaa ku baxeysa lacag ka badan 5 Milyan oo Dollar, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijisay shirkadda dhismaha.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Khayre oo goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in dhismaha wadadan uu wax badan ka tari doonto sugidda ammaanka iyo kor u kaca dhaqaalaha dalka.




From the comments