Qiimeyn laga sameeyay dalka Britain ayaa lagu sheegay in aaladda Instagram loo aqoonsaday inay tahay tan ugu daran ee saameynta ku yeelata maskaxda da`yarta marka loo eego aaladaha kale ee ay bulshadu ku wada xiriirto.
Qiimeyntan oo ay sameysay waaxda ka shaqeysa caafimaadka bulshada ayaa lagu wareystay 1,479 qof oo da`doodu ay u dhaxeyso 14-24 si ay uga falceliyaan arrimaha la xiriira walaaca, walbahaarka, kelinimada iyo saameynta xun ee ka dhalan karta dhanka caafimaadka.
Hay`adaha ka shaqeeya caafimaadka maskaxda ayaa ugu baaqay shirkadaha inay muhimad siiyaan badbaadada dadka isticmaalaya, ayna u sameeyaan hab lagu ogaan karo dadka ay la soo dersaan xaaladaha caafimaad-darro ee maskaxda.




From the comments