Kormer ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ku tageen garoonka Aden Cadde, waxaa lagu ogaaday in isbadalka waaxda canshuuraha ee garoonka uu keenay faa’ido, waa sida ay hadalka u dhigtay wasaaradda warfaafinta.
Kormeerkan oo ku tageen Waaxda Canshuraha Garoonka Diyaradaha Aadan Cadde Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuunita Dadweynaha Eng C/raxman Cumar Cusmaaan , Wasiir ku xigenka Wasarada Maaliyada Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Wasiiru dowlaha Wasarada Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibrahim ayaa aheyd u kur galida howlaha shaqo oo ay halkaas ka bilaween maamulka cusub ee dhawaan loo magcabaay Waxda Canshuuraha ee Garoonka.
Maamulka Cusub ee dhawaan loo magcabaay Waaxda Canshuraha ayaa ka warbixiyey howlaha shaqo ay qabteen ayagoo sheegay iney si wanagsan shaqada u wadaan ayne soo sareen faa’iido ka badan tii hore boqolkiba soddan muddo labo malmood gudahooda ah.




From the comments