Maamulka gobolka Baay ee K/galbeed ayaa sheegay in ay ka fekerayaan sidii dhowaan ay ku sameyn lahaayeen howlgallo ballaaran oo lagu furayo waddooyinka magaaladaasi ee ay xireen Al-shabaab.
Guddoomiye ku ixgeenka dhanka ammaanka ee gobolka Baay Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay Goobjoog, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku bixi doonaan waddoo walbo oo Baay ka tirsan, islamarkaana u xiran Al-shabaab.
Tani ayuu sheegay iney ka dambeyso kadib go’aankii wadajirka ahaa ee dowladda Soomaaliya iyo K/galbeed ka qaateen in aysan sii xirnaan waddo walbo oo deegaannada K/galbeed ah.




From the comments