Soomaaliya waxaa hadda ka bilowday roobab, waxaa la filayaa in ay dhacaan xaalado shuban biyood kuwaas oo uga sii daraya dhibaatada cudurkaasi oo horay u jirtay, hey’adda caafimaadka adduunka ayaa sidaa sheegeysa.
Ururka caafimaadka WHO waxaa uu soo gudbiyay in 32,000 oo Soomaali ah uu shuban biyood ku dhacay sanadkan bilowgiisa, tiradaas oo 618 oo ka mid ah ay u dhinteen.
“Abaarta waxaa ay keentay in dadka cabaan biyo wasaq ah, waxaana Soomaaliya ka dilaacay shuban biyoodkii ugu darnaa 5-tii sano ee la soo dhaafay, sidaasi waxaa sheegay afhayeenka hey’adda caafimaadka adduunka Taariq Jasarevic, isaga oo intaa raaciyay in dhibaatada ay ka dhalatay markii la waayey biyo nadiif ah, nadaafad, cunto la’aan iyo nafaqa darro.




From the comments