Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo Sabtidii dhagax dhigay garoon cusub oo ay yeelan doonto magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay iney aysan gobollada dalka ka jirin Saddex garoon Caalami ah marka laga reebo Puntland.
Madaxweynaha Puntland Gaas, wasiirka duulista hawada ee maamulkaasi Xasan xaaji Siciid iyo mas’uuliyiin ka socda shirkadda garoonka dhiseysa garoonka ee CCECC ayaa goobta si weyn loogu soo dhaweeyay.
CCECC ayaa horay u dhistay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Boosaaso, waxaana hadda la filayaa iney muddo 8 bilood ah ku dhamaystirto Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.




From the comments