Maamulka deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ay deegaankaasi ugu dhinteen dad ka badan 30 qof oo dad waaweyn iyo carruur isugu jirta.
Guddoomiyaha deegaankaasi Cabdi Axmed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in sidoo kale Isbitaalka deegaankaasi ay yaalaan dad ka badan 60 qof, kuwaasi oo lagu dedaalayo xaaladooda caafimaad.
Sidoo kale Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in dad saacad walbo qof la keeno isbitaalka Gadoon oo uu tilmaamay inaanu ka jirin adeeg caafimaaad oo dadka ku filan.




From the comments