Howgal ay sameeyeen ciidamada Amaanka ee gobolka sool oo uu hor kacayay taliyaga Qaybta Booliiska Ee Gobolkaasi Gaashaanle dhexe Ibraahin Jaamac Daad ayay xoriyaddoodii dib ugu soo celiyeen boqolaalo qof oo Itoobiyaan ah kuwaas oo xeryo ugu Afduubnaa Kooxo Hubaysan Deegaanka Guumays oo 77-km Waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood.
Kooxahan ayaa Deegaankaasi ka tahriibin jiray dadka kuwaas oo ay ka qaadi jireen lacag madax furasho ah, iyaga oo halkaasi sidan dadka ugu qafaalan jirey muddo Labo sano ah.
Taliye Daad ayaa sheegay in ay dhammaatay dadkii lagu qafaalanayey Sool, isaga oo tilmaamay in cid walbo oo arrintan kusoo qabtaan ay tallaabo cad ka qaadi doonaan.




From the comments