Dowladda Moroco ayaa sheegtay inay dib u bilowday xiriirkii ay la lahayd dowladda Cuba, kaas oo go’ay muddo haatan laga joogo 37 sano.
Labada Safiir ee kala matalayo Labada dal ayaa waxay heshiis ku kala saxiixdeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York, heshiiskaan ayaa waxa uu qeexayaa in xiriirkii dhanka Diplomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Cuba iyo Maroco ay dib u bilaabi doonaan .
Heshiiska ayaa waxaa lagu yiri “dib u bilaabashada calaaqaadka labada dal ay dan ugu jirto labada dowladood isla markaana horay laga fuliyo heshiiska”.




From the comments