Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Bandiiradley ee gobolka Mudug, kaasi oo khasaare geystay.
Gaari nooca NOHA loo yaqaan ayaa la sheegay inuu ku rogmaday halkaasi, kaasi oo si xowli ah ku socday, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Labo ruux, iyadoo sidoo kale uu burburay gaarigii, waxaana badbaaday dadkii kale ee gaariga saarnaa.
Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Cabdirisaq Axmed Jaamac oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in shilalka sidan oo kale ah ay kusoo bateen degmadaasi, isaga oo tilmaamay in waddooyinka ay burbursan yihiin.




From the comments