Wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa saakay waxa uu daabacay warbixin uu ciwaan kaga dhigay in ka badan 100 askari oo ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa la dilay markii uu Maraykanka uu weerar uu ku qaaday koofurta Soomaaliya gaar ahaan meel u dhow xerada Ceel -cadde, taasi oo xarakada Al-shabaab ay ku dileen 100 ka tirsan ciidamada Kenya oo ay weerareen sanadkii 2016-kii .
Dadka degaankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen madaafiic aysan aqoon halka ay ku dhaceyso,waloow markii danbe la sheegay in ay duqeyntaasi lagu bartilmaameed sanayay xero Ciidan oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabab.
Weerarkaan ayaa la sheegay in lagu dilay 100 ka tirsan ciidamada Al-shabaab sida ay sheegeen ilo wareedyo,waxaa xusid mudan dadka la dilay ee 100-ka gaaraya inay ku jireen 20 taliye sida lagu yiri warbixinta lagu qoray wargeyska.




From the comments