Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay howlgallo amniga lagu sugayey ka sameeyeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa howlgalkaan waxay ka sameeyeen xaafadda Hanti wadaag ee magaalada Jowhar, kadib qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray hoyga mid kamid ah waxgaradka aadka looga yaqaan degmadaasi.
Qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay Hal ruux, hase ahaatee askar halkaasi ku sugneyd oo damcay iney ka daba tagaan dadkii Bamka soo tuuray ayaa waxay la kulmeen rasaas iska cabin ah, waxaana halkaasi ku dhintay Hal askari, waxaana dhaawacmay mid kale.




From the comments