Waarka ka imaaanaya gobolka Jubada Dhexe, ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay deegaanno ka mid ah gobolkaasi, kaasi oo ay la il daran yihiin dad badan.
Degmooyinka Bu’aale iyo Salagle ee gobolka Jubada Dhexe ayaa lasoo sheegayaa in ay yihiin meelaha ugu daran ee cudurkaan uu ka jiro, iyadoo dadku ay u baahan yihiin gurmad caafimaad.
Mid kamid ah dadka ku dhaqan Salagle oo sababo amni magaciisa u qariyey ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo sidoo kale degmooyinka kale ee gobolka Jubada Dhexe isugu darsantay abaar iyo cuurka shuban biyoodka.




From the comments