Baarlamaanka waddanka UK ayaa ansixiyay sharciga qabyada ah kaas oo ay uga baxayaan Midowga Yurub, tallaabaddan ay qaadeen baarlmaanka waddanka UK ayaa waxay ka dhigantahay inay hirgaliyeen qodobdka 50 aad ee dastuurka dalkaasi si ay uga baxaan Yurub inteeda kale.
Mudanayaasha golaha aqalka sare ee UK ayaa horay u ansixin arrimaha la xiriira deganaashaha Midowga Yurub iyo cod bixinta ku saabsan marka ay UK ka baxayso Yurub inteeda kale.
Hindise sharciyeedkaan ayaa waxa uu dhaqan galayaa talaadada soo socota, isagoo u gogal xaarayo sidii ay UK uga bixi lahayd Midowga Yurub.




From the comments