Barakacayaal ku sugan garoonka diyaaradaha degmada Jowhar ayaa qeylo dhaan xooggan ka muujiyey xaalad biyo la’aan iyo sidoo kale mid caafimaad darro.
Qaar kamid ah barakacayaashan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in biyo aysan haysan, islamarkaana ciidamada AMISOM ay ka heleen ballanqaad ah in Todobaadkiiba ay siiyaan 40 Liter oo biyo.
Mid kamid ah haweenka ku dhaqan xeradaasi barakac oo ka gaabsatay magaceeda ayaa u sheegtay Goobjoog News, in haddii aan wax laga qaban xaaladooda ay dhibaato nololeed oo hor leh galayaan.




From the comments