Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa lagu soo waramayaa iney cudurka shuban biyoodka ugu dhinteen dad gaaraya 10 ruux, iyadoo tiro intaa ka badan ay la il daran yihiin.
Dadkan ayaa dhintay 24-kii saac ee ugu dambeysay sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah howlwadeennada caafimaadka ee ku sugan Isbitaalka degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dadka cudurkaan uu ku dhacay kadib markii ay cabeen biyo aan nadiif ahayn, sababtuna waxay tahay degmada waxaa ka jirta abaar baahsan, dadkuna ma heli karaan biyo nadiif ah.




From the comments