Odoyaasha iyo waxgaradka degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiye Madaxweyne Siilaanyo in uu ka baxay heshiis horey ay ula gaareen maamulkaasi.
Waxa ay sheegeen waxgaradkan in dhankooda ay fuliyeen heshiiskii ay la galeen maamulka Somaliland, oo ay ugu horreysay iney qaataan kaararka is diiwaangelinta doorashada.
Waxay tilmaameen in heshiisyadii lagu gaaray Awrbogeys iyo Adhi-cadeeye uu dhanka maamulka Somaliland ka jabay kadib markii ay ku guul dareysteen fulinta qodobadii heshiiska.




From the comments