Qaramada Midoobay ayaa dalbatay 825 Milyan oo doolar, taasi oo wax looga qaban doono abaarta ka jirta dalka si aaney macluul u dhicin.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay saameysa abaarta baahsan ee dalka ka jirta, islamarkaana loo baahan yahay in jawaab degdeg ah laga bixiyo.
Waxa uu tilmaamay iney codsanayaan 825 Milyan oo doolar si looga hortago macluul ka bilaabata Soomaaliya sidii dhacday sanadkii 2011-ka.
Guterres ayaa safarkii uu ku yimid magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay iney tahay mid uu ku muujinayo barbar istaagga shacabka Soomaaliyeed maadaama xilligaan dalka ay abaar ka jirto.
“Sababta aan u imid halkan anigoo ah xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay waa mid fudud in aan idiin sheego, taasina waa inaan muujiyo barbar istaag qotodheer shacabka Soomaaliyeed, xilligan waxaa jirta istaraatijiyad rajo wanaagsan laga qabo taas oo micna buuxa u samaynaysa in beesha caalamka ay si buuxda u taageeraan Soomaaliya, Xilligan la joogo”
“Todobaadkii lasoo dhaafay waxaan helay fursad ah inaan codsado gargaar baaxad wayn oo beesha caalamka aan u jeediyay si looga fogaado musiibo wayn oo isku rogi karta macluul, waxaana baaqa uu ahaa Afar wadan caalamka kamid ah sida South Sudan, Waqooyi bari Nigeria, Yemen iyo Soomaaliya, waxaa jira fursado looga fogaan karo in xaaladdu ay ka sii darto, waxaa kale oo jirta fursado kale oo looga dheeran karo wixii ka dhacay dalkan 2011-kii, wada shaqayn wanaagsan ayaa jirta oo u dhaxaysa dowladda iyo Hay’adaha gargaarka kuwaas oo isku ah Qaramadda Midoobay si loo hubiyo in dhaqaaq la sameeyo si loola tacaalo xaaladda taagan xilligan”




From the comments