Waxaa saaka magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah shaqaalaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka xafiiska Villa Hargeisa.
Cabdiqadir Qaasim (Goon Qaasim) waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka, waxaana lagu waday in uu wareegayo wasaaradda maaliyadda.
Rag la shaqeeynayey Qaasim oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in lagu dilay degmada Dharkeyley,, iyaggoo intaa raaciyay in uu horay uga tirsanaa Xildhibaannadii dowladdii Cabdiqasim Salaad Xasan.




From the comments