Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gobolka Galgaduud ayaa sheegay in cabasho ay ka yihiin guddiga gurmadka abaaraha Galmudug oo ay sheegeen in illaa iyo hadda aaney wax kaalmo ah gaarsiin deegaannada abaarta ka jirta ee gobolkaasi.
Cali Khaliif Xaashi, waxa uu kamid yahay dadka ku dhaqan deegaanka Docolley ee gobolka Galgaduud, wuxuuna u sheegay Goobjoog News, in illaa iyo haatan lacagtii lagu wareejiyey guddigaan inaanu wax kasoo gaarsiin dadka ku dhaqan deegaankaasi.
“Abaarta aad bay u adag tahay, guddiga lacag baa loo keenay, wuu naga eexday, wixii aan xaqqa u lahayn illaa iyo hadda nalama soo gaarsiin, dad badan oo dhallinyaro ah dhibaato badan haysa ayaa jirta, xoolihii wey naga dhamaadeen, sidoo kale ma haysanno biyo iyo cunto midna” ayuu yiri Cali Khaliif.




From the comments