Wasiirka diinta iyo awqaafta maamulka Koonfur Kalbeed Macalin Axmed Maxamed ayaa ka horyimid xil ka qaadis madaxwayanaha maamulkaasi uu kusameyay.
Mudanahan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan waddo sax ah loo marin xil ka qadistiisa isaga oo meesha ka saaray sharci ahaanshiyaha golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.
Axmed ayaa sidoo kale kamid ah xildhibaannada maamulka Koonfur Kalbeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inuuba jirey khilaa u dhaxeeyey Madaxweyne Shariif Xasan iyo sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.




From the comments