Dhakhaatiir badan ayaa isku raacay in inta badan raggu ay ka laba labeeyaan booqashada goobaha caafimaadka, hadaba waa maxay xaaladda dhabta ah ee ka dabmeysa arrintaa?
Xaaladdan oo runtii noqotay mid khatar ku ah nolosha dadka farabadan oo ka kala tirsan waddamo badan oo dunida ah ayaa waxaa ka hadlay qof ka shaqeeyay gaadiidka gurmadka degdegga ah ee London, waxa uu yiri: “Intii aan shaqadan ka shaqeynayay waxaan ogaaday in raggu ay ka fogaadaan booqashada goobaha caafimaad mararka ay soo gaaraan dhaawacyada, waxaa xusid mudan in dhakhaatiirta aan aqoonta u leeyahay oo dhan ay noo xaqiijinayaan in raggu aaney u badneyn goobohooda caafimaad oo aaney soo gaarin inta badan, xitaa mararka ay dareemaan qandhada xooga leh”.
Wasaaradda caafimaadka Ingiriiska oo dhakhaatiir kala duwan ay arrintan la wadaageen ayaa go’aansatay iney tirakoobyo ka sameyso kumanaan qof oo wax laga weydiinayo arrinkan, si loo ogaado sababta dhabta ah ee ka dambeysa iney raggu ka baqaan goobaha caafimaadka.




From the comments