Deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaa ka dhacay Dagaal saacado qaatay, kaasi oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah.
Dagaalkan waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, walow aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.
Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa u suuragashay iney la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Bariire, ee Shabellaha Hoose, iyadoo dagaalyahannada Al-shabaab ay halkaasi dib uga baxeen.




From the comments